U bood dhigaalka

Xasan Sheekh: Ma aanan helin ballan qaadyadii beesha caalamka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxwaynha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa haatan dowladdu aysan helin ballan qaadkii lacageed ee beesha caalamka.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulan lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho ayaa xusay in inta badan dowladihii ballan qaadka u sameeyay soomaaliya aysan ka jawaabin.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado dadaallo lagu garab istaagayo shacabka ay abaaruhu ku saameeyeen gobollada dalka qaarkood isaga oo ku baaqay in dadku ay caawiyaan walaalahooda dhibaateysan.

Waxa uu u mahad celiyay dowladaha Turkiga iyo Norway dadaalada ay dib ugu dhiseen magaalada Muqdisho.

Dowladaha caalamka ayaa ballanqaadyo kor u dhaafaya hal Bilyan oo dollar u sameeyay dowadda Soomaaliya shirarkii ka dhacay magaalooyinka Brussels iyo London.

Hoos ka dhageyso codka Madaxwaynaha: