U bood dhigaalka

Xasan Sheekh: Ma Wada Xallin Karo Cabashada Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegayaa in Dowlada ay ku dadaali doonto wax  ka qabashada tabashooyinka  ka yimid doorashadda dadban ee 2016-ka.

Madaxwayne Xasan waxa uu sheegay in ay  ka war hayaan  cabashooyin is daba joog ah oo ka imaanaya ergada ka qayb galeysa doorashooyinka ka socda  magaalooyin badan oo dalka ah.

Xasan Sheikh waxa uu sheegay in si kasta oo arintu ahaato wax badan ay ka qabteen doorashadda dadban ee 2016-ka oo horay u dhacay dhibaatooyin u dhaceen.

Madaxweynaha uu waqtigiisa sii dhamaanayo oo ka hadlaya cabashooyinka is daba jooga ah oo ka imaanaayo ergada  waxa uu yiri “ Ma wada xallin karno boqolaalka mushkilado oo aan leenahay kulligood balse waa inaan dhahnaa waa kuwee kuwa ugu darran oo aan si deg deg ah aan u xalino”

Madaxweyne xasan Sheikh ayaa waxa uu sheegay iney muhiim tahy in la hagaajiyo ammniga oo ay tahy dhibaatooyinka ugu badan oo haatan ka jira dalka ,sidoo kale waxa uu  intaasi ku sii daray in xallinta dhibaatooyinka sida ay ukala daranyihiin loo kala xaliyo mudnaanta la siiyo kuwa daran.

Maalmihii ugu dambeeyey waxay cabashooyin badan ay ka imaanayeen arrimaha la xariira doorashooyinka kuwaas inta badan ergada doorashada ka qeyb galaayo ay ka cabanayeen .

Goobjoog News