U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka Dib ugu soo Laabtay

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 3 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu Sudan iyo Nigeria kaga soo qeybgaley munaabadaha caleema saarka hoggaamiyeyaasha labadaasi dal.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Mudane Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale ayaa intii uu dalalkaasi marayey kulamo muhiim ah la qaatey Madaxweyne Muhammadu Buhari iyo General Cumar Xasan Al Bashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku hakadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatey Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

DHAMMAAD