U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Oo safarkiisa Ugu Horey Ee Dibadda Ugu Baxay

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamud, ayaa safar ugu ambabaxay dalka isku tagga Imaaradka Carabta, safarka madaxweeynaha qaadan doona mudo laba maalin sida ay shaacisay madaxtooyada.

Wafdiga madaxweeynaha waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana uu madaxweeynaha martiqaad ka helay dhiggiisa imaaradka carabta Maxamed Binu Saayid.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri  qoraal kasoo baxay madaxtooya Soomaaliya.

Madaxweeynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Abu Dhabi,wax uu kulama la qaadan doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaan kulamadaas looga hadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Goobjoog News