U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Oo Sheegay In Madaxda Dalka Ay Qaab Qaldan U Mareen Qadiyadda Badda Ee Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qadiyadda Badda dalka ee kala dhexeyso wadanka aan deriska nahay ee Kenya, waxa uuna madaxweyne Xasan madaxda dowladda hadda jirta ku dhaliilay qaabka ay u wadaan arrinta badda ee ka dhaxeyso labada wadan ee ku aadan qadiyadda Badda waxaana uu yiri.

“Maanta waxaan keenay halka ay joogto arrinta Badda, madaxda dalkeena ayaa arrinta badda si qaldan u isticmaashay, dowladda Kenya iyaga ayaa u carab laalaadiyey, iyaga ayaa yiri xal ayaan gaareynaa, maxkamadda banaankeeda ayaa lagu xalinaa oo habeenno madoow Nairobi la geynayey”

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya in kiiska arrinta badda iyada oo taallo maxkamadda cadaaladda Adduunka ee ICJ in ay labada wadan isbooqan jireen cadaawadna aysan ka dhaxeynin islamarkaan talada ay wadaagi jireen.

“Arrinta qadiyadda badda iyada oo maxkamadda taallo ayaan Kenya isku fiicneyn isku imaaneynay lawada hadlaayey oo maxkamaddu tagan tahay oo arrinkaas marna la isku soo qaadin ama aan laga hadlin ayaan soo marnay oo aan joognay ” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la yaab ku tilmaamay hadal dhawaan uu jeediyey madaxweynaha dalk uu ku sheegay in Kenya cadow ku tahay Soomaaliya mar walibana ay farageliso.

“Maalin dhoweed aad ayuu madaxweynu ku tilmaamay dowladda Kenya in cadow tahay oo dalka faragelin ay ku heyso, magaranayo meesha Kenya cadow ay ku tahay Eratariya iyo ninka 40-sano joogo uu xabib ku yahay”

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in Dimlumaasiyadda  been laga sheego ama balan aadan oofin Karin la qaado.

“Curfi Dimlumaasiyadda ah balan lagama sheego, Diblumaasiyadda magasho balan inaad qaado aad ogtahay inaadan oofin doonin, madaxweynaheenna iyo ra’iisalwasaaraheenna waa ay ogaayeen in arrinta badda aan  maxkamadda aan laga soo celin Karin dadka Soomaaliyeedna aysan ka aqbaleynin” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilsan siyaasadda madaxda ugu sareysa ee dalka.

Goobjoog News