U bood dhigaalka

Xasan Sheekh “Turkiga waa Saxiib Istaraatiiji ah,  Xilli adduunka uu naga sii jeedo ayuu nasoo aaday”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay Anadol ayaa ka hadlay doorashada, Miisaaniyadda doorashada, amniga, qabiilka, dacwada badda, dib u doorashadiisa iyo kaalinta Turkiga ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in gacan ay ka heleen AMISOM darteed ay uga adkaadeen Al-shabaab, isagoo intaa raaciyay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talo-galay.

Madaxweynaha oo ka hadlay in waxa loogu yeero Argigixisada in ay tahay qaddiyad dowli ah, oo ka jirta Afrika, Asia iyo Yurub, Soomaaliyana ay dagaalkaas qeyb ka tahay, isagoo soo jeediyay in dagaalkaas aan qori keliya lagu waajihi Karin oo loo baahan yahay tabab kale sida wacyigelin iyo wada hadal.

Doorashada 2016:

Xasan Sheekh mar uu ka hadlayey doorashada 2016-ka, waxaa uu sheegay in sanadkan ay ka qeyb galayaan ilaa 14025, taas oo ka duwan 135-tii oday oo go’aan ka gaari jirtay baarlamaannadii hore, in kasta uu qiray in ay jiraan arrimo farsamo oo doorashada heysta, hadana waxaa uu balla-qaaday in doorashada ay dhici doonto November.

Miisaaniyadda Doorashada:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay lacagta doorashada uga soo aaday oo lagu sheegay 40% halka beesha caalamka ay bixisay 60%, isagoo intaa ku daray in doorashada waxa hortaagan aaney aheyn caqabad miisaaniyad ee doorashada ay heystaan oo keliya arrimo farsamo oo dhawaan la soo afjari doono.

Amniga:

Madaxweyne Xasan waxaa uu ka hadlay caqabada amniga ee doorashada, waxaa uu sheegay in dowladda oo kaashaneysa maamul goboleedyada ay wax badan ka aban doonto arrimahaas, waxaa uu ka hadlay dhismaha maamul goboleedka oo Hiiraan/Shabeellada dhexe oo uu sheegay in dhammaan la dhameystiri doonto bishan October.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in xukuumadiisa oo kaashaneysa AMISOM ay u diyaar-garawday sugidda ammaanka doorashada, una jawaabi doonaan cid walba oo isku deyda in ay ku ciyaaraan amniga doorashada 2016-ka.

Qabiilka:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ka hadlay heerarkii laga soo maray arrimaha qabiilka iyo sida hadda looga gudbey, Xasan waxaa uu ku dheeraaday xeerka axsaabta kaas oo horay baarlamaanka u ansixiyay isagana uu saxiixay August iyo sida axsaabta dalka ka jirta ay u badali karaan qabiilka.

Xasan waxaa uu hoosta ka xariiqay in qabiilka aan dib loogu laaban doonin, bal uu ka hor imaanayo dowladnimada iyo horumarka, inkasta oo uu sheegay in mararka qaar uu leeyahay faa’idooyin.

Dib U Doorasho:

Xasan Sheekh oo ka tirsan murashaxiinta u tartamaya doorashada 2016-ka, waxaa uu sheegay in aaney labo ku murmeyn shaqada uu qabtay dhanka horumarka iyo xasiloonida isla markaana uu diyaar u yahay in uu dhameystiro haddii mar kale la doorto, isagoo shacabka ku dhiirigeliyay in ay doortaan qofka u qalma isla markaana leh Ajenda cad oo dalka horumar gaarsiin kara.

Dacwada Badda:

Mar uu ka hadlayey dacwada badda, waxaa uu sheegay in fursadda wada hadalka uu dhamaatay, sidaa darteedna ay aadeen ICJ, isagoo ballan-qaaday in aan laga tanaasuli doonin hal taako oo ka tirsan dhulka Soomaaliya.

Kaalinta Turkiga:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Turkiga ku ammaaney kaalimaha ay ka qaataan arrimaha Banii’aadamnimada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaale iyo maalgeshiga, isagoo sheegay in booqashada Erdogan uu dalka ku yimid 2011-kii iyo booqashooyinkii xigay ay wax badan ka badaleen arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Turkiga waa Saxiib Istaraatiiji ah,  Xilli adduunka uu naga sii  jeedo ayuu nasoo aaday, Shacabka Soomaaliyeed waxaa uu ixtiraan u hayaa Turkiga iyo Shacabkiisa”.

Goobjoog News