U bood dhigaalka

Xasan Turaabi Oo Lagu Aasay Khartuum-Taariikhdiisa

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Khartuum lagu aasay hogaamiyihii xarakada Ikhwaanka Suudaan Xasan Al Turaabi oo sabtidii wadnaha istaagay isagoo da’diisa ay aheyd 84 jir.

In ka badan 3 kun ayaa ka soo qeyb gashay aaska marxuumkan oo lagu tiriyo hogaamiyaha Islaamiyiinta Suudaan, waxaa dadka aaskiisa ka soo qeyb galay ku jiray mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u jeclaa hogaamiyaha

Taariikhda Xasan Al-Turaabi oo Kooban:

Xasan Al Turaabi meelo badan ayuu wax ka bartay, heerka koobaad ee jaamacadda waxaa uu ka baxay kuliyadda Low-ga ee jaamacadda Khartuum, Master-ka waxaa uu ka qaatay jaamacadda Oxford halka uu PHD-da ka qaaday jaamacad ku taalla dalka Faransiiska 1964-tii.

1960-meeyadii dhamaadkeeda waxaa uu ku biiray Xarakada Ikhwaanka isagoo ka noqday xubin firfircoon, waxaana lagu tiriyaa tiirarka xarakada ee qarnigii 20-aad.

Shaqo:

Waxaa uu Xasan Al-Turaabi bare ka noqday Jaamacadda Khartuum isgaoo markii dambe isla jaamacadaas ka noqdau Dhiin kuliyadda Low-ga.

Waxaa uu dalka Suudaan ka noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka arrimaha dibadda isagoo ilaa 8 sano ahaa sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka dalka Suudaan.

Xasan Turaabi waxaa ay isku dhaceen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir taas oo keentay in 2001-duu aasaaso xisbigiisa gaarka ah.

Turaabi waxaa uu ahaa qof aqoon dheer u leh diinta, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, waxaa lagu tiriyaa dadkii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda Suudaan.

Goobjoog News