U bood dhigaalka

Xasarado galay Todobaadkii 2aad Oo Ka Socda Suudaan, Akhriso Xaaladda Ardeyda Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Wadanka Suudaanka asbuucii labaad waxaa ka socda qalalaaso iyo dibad-baxyo ku fiday gobaladda wadanka kaas oo ka dhashay maciishada iyo shidaalka oo sare ku kacay, muwadiniinta wadanka  iyo gawaarida ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen maciishada iyo shidaalka oo ka sii yaraanaya wadanka arrimahaas ayaana sababay inay rabshado ka dilaacaan wadan.

Soomaali badan ayaa ku nool wadanka kuwaas oo isugu jira arday wax ka barata waddanka iyo kuwo deegaan ku ah muddo dheer  kuwaas oo ku kala nool magaalooyinka wadanka sida magaaladda Khartuum iyo Jaziira lakiin ardayda ugu badan ayaa wax ka barta  magaladda caasimadda ah Khartuum iyo gobalada,   wasaaradda waxbarashada dalkaasi ayaa ku wargalisay jaamacadaha iyo iskuulada inay hakad galiyaan shaqada ay hayaan inta xaalada ay dagayso arday badan oo wax ka barata Suudaan ayaa arintan saameen ku yeelatay.

Faa’id Xuseen Tahliil waa mid ka mid ah ardayda wax ka barata wadanka Suudaan waxa uu u waramay Goobjoog News , waxa uuna ka warbixiyay  halka wax marayaan  iyo sida ay u taabay arday ahaan xaaladda wadan uu galay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay iyo  hadakii wasaarada waxbarashada dalka oo hakad galisay dhamaan jaamacadaha dalka inta  wax iska badalayaan.

“Runtii waxaa la qiyaasayay siyaasiintana ay taxliilinayeen ilaa 2010kii in wadanka uu u socdo halkii ay mareen kacdoon dadweynena uu  ka dhici karo sidii wadamadii Islamka ahaa ee ee Liibiya, Masar  iyo Yamen oo  ay kamid aheyd lakiin ilaa iyo hada mayna dhicin lakiin waa wax dadka ay maalin sugayeen in xaalada nuucaana uu galayo wadanka.

Dadku ma ahan kuwo ka cabanayay ciriiri siyaasadda  ee dowladdu saartay,  kama jirin lakiin dadka cabashadooda  iyo  isoo baxooda ayaa ahaa mid ku salaysan dadku inayna heysan nolol dhaqaalaha wadanka oo hoos u sii socday iyo ceyshka la cunayay oo qaaliya Dollarkii oo sare ku kacay ayaa sababay inay dad badan noloshooda adkaato ardayda ayaana kamid ahaa dadkaasi.

Marka haddii wadanka xaaladiisa sidaan sii ahaato, waxaa ii muuqaneysa in saameyn badan ku yeelanayo wadamo badan oo Islaama hadana carab ah, dadka reer Suudaan waa dad kala qabiilo duwan aadna uu uga jiro cunsiga qabiilka ah ee dadka dhaxdooda, waxaana is ku haya dadka reer Suudaan  xukun milatari  oo tiktatooriya gobalada qaar dibad-baxyadii ka dhacay waxaa ka qeyb qaatay ciidamadii wadan sida deegaanka Xadaara iyo deegaanada ku dhawdhaw magaalad Jaziira sidoo kale waxaa la arkayay ciidamada boliiska iyo taliyayaasha oo horboodaya dibad baxyada waxaana yimid Madaweynaha dalka aad ayaana lo osoo dhaweeyay waxa uuna u sheegay  hadii dadku ay ka cabanayaan arrimo dhaqaale hadii ay tahay wax laga qaban doono, hadii xukuumadaan meesha ka baxdo waxaa laga cabsi qabaa in suudaan dib ugu laabto dagaal sokeeye”

Dadka dibad baxaya ayaa gubaya goobaha dowladda in kastoo meelo wadanka ah laga dareemayo daganaan madaxweynaha oo booqday magaalada Jaziira oo lahadlay taageerayaashiisa ayaa tilmaamay in maciisha wax laga qabayo hoos lood higayo wadamada Qadar iyo Turkiga ayaa durbaba bilaabay taageeradooda ay u muujinayaan iyo sida ay u garab taagan yihiin Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir.

Goobjoog News