U bood dhigaalka

Xasn Sheekh iyo Sheekha Azhar Ahmad al Tayyib oo Qaahira uga Wada Hadlay Deeqaha Waxbarasho ee Ardayda Soomaalida Azhar Siiso iyo Arimo Kale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekhul Azhar Ahmad al Tayyib ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay kulan si aad ah Saxaafadda uga hadashay.

Al-azhar waa Machad iyo Jaamacad, waxaa dhigto ardayda ugu badan inta Qaahira wax ka barata

Imaamka Al Azhar, Al Sheikh Ahmad al Tayyib, ayaa sheegay in Azhar diyaar u tahay inay gacan ka siiso Soomaaliya dhinacyada barashada diinta iyo culuunta kale ee maaddiga ah sida caafimaadka, sayniska iyo kuwo kale.

Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in Azhar baal dahab ah ay ka gashay taariikhda Soomaaliya, shacabkuna ay tabayaan macalimiintii, imaamyadii iyo khubaradii Azhar ee ka hawlgeli jirey dalka.

“Waa hubaal in Azhar oo si buuxda ugu soo laabata waddanka ay keeni karto in la soo afjaro jahwareerka xagga diinta ee dadkeenna ku dhacay 25-kii sano ee la soo dhaafay, si meesha looga saaro fikradaha qaldan ee shacabkeena kala geynaya. Waxaan nahay shacab Muslim ah, diinta islaamkuna waa diin nabadeed”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaamka Al Azhar ayaa ku boorriyey Soomaalidu in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda dalkooda, shacabkoodana ay u horseedaan nabad buuxda, sida diinta Islaamku ay qabto.

Kulanka waxaa kale oo ka hadley Wasiirrada Caddaaladda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha.