U bood dhigaalka

Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) Oo Markii Ugu Horeesay Loogu Yeeray Waajibaadka Xulka Qaranka

Sheeko:Cayaaraha

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Muqdisho City Club Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa markii ugu horeesay loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya ee isu diyaarinayo in ay caasimada Muqdisho kulan saaxiibtinimo kula ciyaaraan 20-jirada xulka qaranka Eretria.

25-08-2016- ayay aheyd markii uu laacib Xasan Santos ka tagay kooxdiisii hore Dekedda wuxuuna xidigan xiligaas ilaa iminka uu qeyb ka yahay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

20-October 2018-Xasan Santos waxa uu koobka  Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse kula guulaystay kooxdiisa Muqdisho City waxayna u aheyd koobkii ugu horeeyay uu la qaaday tan iyo kolkii uu kusoo biiray.

Xassan Santos waxa uu ka mid yahay xidigaha ugu tayada wanaagsan kooxdeena taageerayaal badan ayaa jecel xirfadiisa waxayna kooxda ku xasuusanaynaa shaqadii wacneyd uu la qabtay sanadkii lasoo dhaafay” waxaa sidaas sheegay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh.

01-Janaayo 2019-ciyaaryahan Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa isna ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii tagay 2018 isagoo abaal marinta ku garaacay xidigaha ay sida u xifaaltamaan ee kala ah Mustaf Maxamed Yuusuf oo ka tirsan kooxda Heegan,Xassan Cabdi Nuur oo isna u dheela Horseed iyo laacib Maxamuud Cabdi Nuur oo usna u ciyaara naadiga Horseed,Santoos ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay,isagoo u mahad celiyay dadkii u codeeyay iyo kuwii uu kaga guulaystay.

29-Janaayo 2019-taageerayaasha iyo maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa Xasan Santos gudoonsiiyay abaal marinta goolkii ugu quruxda ay kooxda Muqdisho City dhalisay sanadkii lasoo dhaafay 2018 wuxuuna sheegay in uu u mahad celinayo jamaahiirta kooxdiisa.

Kooxda Muqdisho City sidoo kale xidigaha kale ee loogu wacay u ciyaaritsa xulka qaranka waxaa ka mid ah Axmed Cabdulahi Cabdi ( Baanuu) oo daafac ka ciyaara xidigan u dheelista xulka waxa uu kusoo biiray sanadii 2016 sidoo kale waxaa xulka qeyb ka ah Cali Cumar Cali  (Cali Yare) oo isna ka dheela qadka dhexe Cali kaliya hal mar ayuu xertay maaliyada xulka waxayna aheyd 13-December 2018 kulan ciyaareed saaxiibtinimo ay wada dheeleyn dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Axmed Cabdullahi Cabdi iyo Cali Cumar Cali ayaa taageerayaasha kooxdooda Muqdisho City ka gaduumay abaal marinada kala ah daadicii iyo qadkii dhexe ugu wanaagsanaa sanadkii lasoo dhaafay 2018

Kaliya intaa ma ahan oo naadiga Muqdisho City waxaa sidoo kale loogu yeeray Abukar Cabdulahi Siidow oo isagana ka dheela qeybta daafac waxaana arinta baraha bulshada ku gorfeeyay taageerayaasha kooxda.

“Waa horomar weyn intaa iyo ka badan ayaa ka rajaynaynaa in ay matalaan xulka qarankeena waa sharaf iyo guul usoo hooyatay maamulka iyo taageerayaasha kooxda Muqdisho City heegsigeenu waa horomar iyo tayo” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha kooxda Muqdisho Abuukar Maxamed Sheekh.

Si kastaba Xulka qaranka Soomaaliya ee 20-jirada ayaa ku xareysan garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan,iyagoo si wanaagsan iskugu diyaarinaya kulan saaxiibtinimo ay la balan sanyihiin dhigoda Eretria.

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1356506311156172/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle