U bood dhigaalka

Xeelado Cusub Oo Ku Soo Biiray Habka Tuugsiga!

Sheeko:War

Waxaa Soomaaliya gees ka gees ka da’ay Roobab xoog leh, waxay ahayd in dadku u jeestaan wax-soo-saar iyo tabcasho, maadaama wadankeennu uu hodon ku yahay dhulka wax lugu abuuran karo, Laakiin taas bedalkeeda waxaa batay Tuugsigii.

Waxaan tiriyey waddo dhowr mitir ah oo aan soo maro subax walba dadka tuugsanaaya oo fadhiya, waxay noqdeen ilaa Toban qof, haddaan masaajidka salaad u aadana kaba sii daran inta dhexdiisa ka istaageysa oo salaadiiba tashwiishka gelinaysaa tiro ma laha.

Magaalada Muqdisho hadaad socoto waxaad faras-magaalaha ku arkeysa xeryo barakacayaal ah hadaad daafaha aaddana warkeeda iskaba daa , dumarka tuugsanaayaa badankood waxey wataan carruur yar-yar ah oo ay ku tuugsanaayaan si dadku ugu naxariistaan haddaad waydiiso aabihiisna waxay ku leeyihiin baadiyo ayuu jiraa ama waa dhintay.

Intaas ku darso waxaa jira guryo badan oo magaalada ku yaalla oo u baahan shaqaale u shaqeeya mushaarna ka qaata laakin lama helayo ama waa dhib oo dadkaas tuugsanaayaa marabaan iney shaqaystaan, xitaa waxaa jira reero shaqaale ka keensaday wadamada dariska ah sida Kenya markey wadanka ka waayeen dad wanaagsan oo u shaqeeya.

Waxaa taa ka sii daran, tuugsi dhanka Taleefoonka ka bilowday oo si cajiib leh magaaladii ugu sii faafaya, qof taleefoonkiisa ay lacagi ka buuxdo ayaa inta uu doono kula hadlaya, marka hore waxaad moodeysaa inuu yahay qof ku yaqaanna, laakiin waa qof aan ku garaneyn oo ku nasiibso kugu soo wacaya, wacdi ka dib kuu sheegaya inuu u baahan yahay in la garab qabto, kunshilin haddii aad hayso ma siin karti, sentiyaal uma tuuri kartid waxa ugu yara ee uu kaa filayaa waa haldoolar iyo wax ka badan!, waa dad dhalinyaro u badan oo sida ay hadalka kugu dhirbaaxyaan aad ka yaabeyso.

Sababaha Tuugsiga badiyey.

         Waxaan isleeyahay waxaa jira Maafiyo dan ugu jirto in dadka tuugsanaayaa ay bataan

         Sida sahlan ee lacagta lagu helaayo marka la barbar dhigo shaqad , taas oo tuugsadayaasha ku dhiirogalineysa iney xirfaddooda sii wataan.

         Caadeysiga tuugsiga la kala dhaxlo .

         Hay’ado dowladeed oo dadka kala saarta kan baahan iyo kan ay xirfadda ka noqotay oo aan jirin.

         Dabcan wadanka Baahi ayaa ka jirta .

Maxaa xal noqon kara ?

  • in bulshada lagu dhiiro-geliyo shaqada iyo wanaaggeeda iyo tuugsiga dhibtiisa taas oo ay bulshada dhani ka qayb-qaadato sida culumada , aqoonyahannada iyo bulshada kale
  • In la raadiyo maafiyo waxaan ka shaqaysataa haddii ay jirto.
  • In sakada ay ganacsatudu bixiyaan Hay’ad madax bannaan loo dhiibo oo dadkaas shaqo ugu abuurta.
  • In dowladdu ay qawaaniin kasoo saarto tuugsiga .

W/Q: Axmed Cabdullahi

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]