U bood dhigaalka

Xeer: Farmaajo Ma Tagi Karo Mareykanka Isaga Oo Madaxweyne Soomaaliyeed Ah!!

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sanadkii 2aad ka baaqday shirka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa sababo la xiriira dhalashadiisa Mareykanka ah.

Wasiir arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa u kicitimay NewYork, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Mudane Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabduulahi Farmaajo.

Sharciga dhalashada iyo jinsiyadda  Mareykanka waxaa ku qoran in qofka heysto dhalasho Mareykanka uu qaadan karo dhalashada dal kale, sida inuu dalkaasi ku dhasho, haween ka guursado ama asal ahaan ka soo jeedo.

Xeerka Mareykanka waxaa kale uu dhigayaa in muwaadinka Mareykanka aanu dalka ku soo geli karin passport dal kale, oo waxaa uu sharciga u qoran yahay sidan “Dadka labada dhalasho heysta waa in ay helaan passport Mareykanka iyo passport dal kale, sidoo kale waxaa qasab ah in qofka dhalashada Mareykanka heyta uu dalkaasi ku galo, ugana baxo isaga oo isticmaalaha passport Mareykanka halka dalka ajnabiga ahna uu ku galo passport-kooda”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii uu jagada madaxweynnimada Soomaaliya qabanayey kama tanaasulin passpor-ka Mareykanka ah, sidaasi darteed weli waa muwaadin Mareykan ah, Protocol ahaan sida sharciga Mareykanka qabanaya dalkaas kuma geli karo, ugana bixi karo passport aan Mareykanka aheyn, taasi oo ka dhigeysa haddii uu tago inuu galo isaga oo muwaadin Mareykan ah, kana khudbeeyo Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa isaga oo madaxweyne Soomaaliyeed ah, oo arrintaas oo ceeb ku ah qarannimada Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo heysata dhalashada Mareykanka ayaa Goobjoog News u xaqiijisay in markii ay Mareykanka aadeyso ay ku tago, ugana soo baxdo passport Mareykanka.

Goobjoog News