U bood dhigaalka

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Oo Sheegtay Dayacaad Iyo Dambiyo Lagu Galo Hubka Ciidamada Qalabka Sida

Sheeko:Amniga

G/Sare Cabdullahi  Buule Kamey oo ka tirsan Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sida loo dayacay hubka ciidamada qalabka sida, isaga oo akhriyey digniino arrintaas la xiriira“Digniin loo dirayo ciidamada sida sharci-darrada ah ugu heysta guryahooda hubka noocyadiisa kala duwan oo ka badan difaaca nafta, hubkaas oo loo adeegsan karo ujeedooyin guracan, oo ka baxsan difaaca qarannimada iyo sugidda amniga dalka, waxaa jira in kiisaska la horkeenno maxkamadda ciidamada qalabka sida intooda badan hubka lagu galo dambiyada ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabaddii iyo astaantii ciidamada qalabka sida iyada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo ciidamada qalabka sida suuqyada sharci-darrada ah ee cirtoogtayaasha”.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka oo sii hadlaya ayaa sheegay  inay jiraan dad aan ciidan aheyn oo heysta hub culus“Teeda kale, waxaa jira dad aan ka mid aheyn ciidamada qalabka sida oo heysta hub culus oo sharci-darro ah, kuwoo ciidamada ka tirsan ay ugu adeegsadaan hubka dowladda qaab aan nidaamka dowladnimada ku habooneyn, oo lid ku ah, iyaga oo ku xad-gudbaya nidaamka iyo xeerarka dalka”.

Ugu dambeyntii waxaa Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka G/Sare Cabdullahi  Buule Kamey ay soo saareen ammaro ay ka mid ahaayeen“Haddaba, dhammaan taliyeyaasha qololka ciidamada qalabka sida, waxaa laga doonayaa inay sugaan tirakoobka hubka iyo gaadiidka gashaaman ee ciidamada qalabka sida iyo dhaq-dhaqaaqooda, kaas oo laga yaabo inay adeegsadaan dadka ka soo horjeeda nidaamka dowliga ah ama loo adeegsado dano gaar ah, sidoo kale xubin kasta oo ku takri fasha, burburisa ama iibsata hubka iyo gaadiidka ciidanka ay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan xafiiska xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida”.

Goobjoog News