U bood dhigaalka

Xeer Ilaalinta Guud Ee Puntland Oo Amartay In la Soo Qabto Xisaabiyihii Hore Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cusmaan ayaa amray in la soo qabto Xisaabiyihii hore ee Gobolka Mudug Barqadle Aadan oo uu sheegay in uu lunsaday hanta dowladeed isla markaasna uu baxsaday.

Xeer ilaaliye Maxamuud Xasan Aw Cusmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay eedaha loo heysto Xisaabiyihii hore ee Gobolka Mudug waxaa uuna yiri.

“Barqadle waxaa uu ku eedeysanyahay lunsashada hanti dowladeed, arrintiisana waxay ku socotaa baaritaan “.

Aw Xasan ayaa amray in la soo qabto Xisaabiyihii hore Mudug isaga oo ugu baaqay dowladda Fedaraalka Soomaaliya inay gacan ka geysato in la soo qabto Barqadle Aadan.

Waxaa uu tilmaamay Xeer ilaaliyaha in Barqadle uu ka baxay dalka hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay ka geystaan soo qabashadiisa.

Dhowaan ayay aheyd markii Barqadle Aadan uu hadlay isla markaasna waxaa uu eedeyn kulul u soo jeediyay wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

Goobjoog News