U bood dhigaalka

Xeer Ilaalinta Soomaaliland Oo Soo Saartay Eedaha loo Heysto Wariye Coldoon

Sheeko:Dalka
Xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay soo bandhigtay sababta uu u xiran yahay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, kaas oo ku dhawaad abo bilood ku xiran magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta soomaliland ayaa lagu sheegay in kiisaska logu heysto Wariye codloon ay ka mid yihiin in uu ku xadgudbay jiritaanka iyo waliba qaranimda Soomaaliland, isla markaana xukuumadda Soomaaliland uu ku tilmaamay mid ku socota wadadii Madaxweynihii dowlad deegaanka ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale Cabdi Maalik ayaa lagu eedeeyay in uu sheegay in dugsiga Abaarso oo ka mid Isksuullada ku yaalla Magalada Hargeysa lagu dhigo Casharo la xiriira Galmoodka dadka isku jinsiga ah  iyo kuwa ka baxsan diinta Islaamka.

 

Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa Maxkamada Sare ka codsatay inay muudeeyaan xilliga rasmiga ah ee la qaadayo eedaha loo hesyto Cabdi Maalik Muuse Coldoon

Mawduucyada:Somaliland