U bood dhigaalka

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Oo Golaha Shacabka Ka Dalbaday In 2 Xildhibaan Xasaanadda Laga Qaado

Sheeko:Baarlamaanka

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka  Dr. Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa golaha shacabka ka codsaday in ay xasaanadda laga qaado labo Xildhibaan uu sheegay in lagu eedeeyay fal-dambiyeeydo.

Dr. Axmed Cali Daahir  oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa rabaa in aan cadeeyo in ay jiraan mas’uuliyiin, Xildhibaanno maalmahan dambe ku mashquulsanaa duminta dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya dhaqaale ay ka heleen dalal ajnabi, sidaasi darteed ay lagama maarmaan tahay in tilaabada sharci ee ku haboon laga qaato”.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Innaga oo halkaasi ka duuleyna, waxaan maanta guddoomiyaha golaha shacabka iyo baarlamaankaba aan u gudbinay qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo abaabul iyo sharci-darro iyo qaran dumisnimo lagu eedeynayo, cadeymaheedii, baaritaankeedana uu dhameystiran yahay in ay xasaanadda ka qaadaan, si loo horgeeyo sharciga, baarista dhimanna loo dhameystiro, labadaasi Xildhibaan oo magacyooda ay kala yihiin: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, labadaasi xildhibaan baaris dheer kadib ay xafiiska u muuqatay in ay galeen fal-dambiyeedyo u baahan in baaris lagu sameeyo, si baaristaan loo dhamestiro, haddii u muuqana loo aan horgeeyo maxkamadda awoodda u leh waxaan baarlamaanka iyo guddoomiyaha xasaanadda laga qaado”

Xeer-ilaaliyaha qaranka waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan la iska yeeleyn harcigaas lama socon, sidaasi uma maleynin, sharciga haddii uu faafinta rasmiga ku baxo, ay ka dhigan tahay in la wada og yahay

Dhinaca kale, Hey’adaha fuliyaasha sida booliiska, hoggaanka baarista dambiyada iyo xeer ilaalinta  waxaa uu faray in ay shaqo ka dhigan-doonaan sareynta sharciga.

Goobjoog News