U bood dhigaalka

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland oo kasoo horjeestay shirkii arimaha Garsoorka ee dhawaan Muqdisho ka dhacay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Dr Maxamuud Xasan Cismaan ayaa kasoo horjeestay shir arimaha Garsoorka looga hadlaayay kaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha in shirkaasi gabi ahaanba aan waxba ka jirin islamarkaana ay kasoo horjeedaan ka maamul ahaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dr Maxamuud ayaa sheegay in wixii kasoo baxay shirkaasi aanay dhankooda raali ka ahayn, islamarkaana ay tahay arin u gaar ah cidii wadatay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso Shirka jaraa’id ee Xeer ilaaliyaha.

Goobjoog News