U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Rajo Ka Muujiyey In Soomaaliya Ku Guuleysato Dacwadda Badda Ee Kenya

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa gaaray magaalada Huge ee dalka Holland, halkaasi oo maalinta berri ah ay ka furmi doonto dacwadda badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda, wuxuu sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in Soomaaliya ay ku guuleysato dawacddan.

Wuxuu tilmaamay in maalinta berri ah la dhageysan doono garyaqaanka dowladda Kenya, Soomaaliyana maalinta Talaadada ah.

“Dulucda Dacwadda weli lama gaarin, kulanka berri Maxkamaddu waxeey ku dhageysaneysaa doodda Kenya ay ku hor istaageyso in dacwadu sii socoto iyo dowladda Soomaaliya oo sheegtay  in aysan dooneyn in ay wax wadahadallo ah kala gasho Kenya arrintaas”

“Garyaqaanka Kenya ayaa maalinta berri hadalo ka jeedinaya Maxkamadda, annagu maalinta Talaaddada ah ayaanu ka hadli doonaa, waxaanna 100% rajo wanaagsan ka qabnaa in Soomaaliya ay ku guuleysan doonto dacwadda, waana sidaa sida saxda ah marka laga eego sida sharciga caalamiga ah uu dhigayo” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo la hadlay Warbaahinta dowladda.

Kenya ayaa sheegatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa maxkamadda ICJ u gudbisay dacwad arrintaasi ku saabsan.

Goobjoog News