U bood dhigaalka

Xeer ilaaliyaha: Goor dhow ayaa la maxkamadeynayaa wariyaasha xiran (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Axmed Cali Daahir

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka mudane Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dhowaan la maxkamadeynayo wariyaasha ka tirsan idaacada Shabeelle ee ku jira xabsiga dhexe.

Axmed Cali Daahir oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM ayaa tilmaamay in si gaar ah loo buun buuniyo xariga wariyaasha eedeysan ee idaacada Shabeelle.

“ Wariyeyaasha waxa ay la mid yihiin shacabka, dambi way geli karaan sharcigana waa la hor geynayaaa” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha

Xeer ilaaliyaha oo ka jawaabaya hadallo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo ahaa in wariyaasha xiran ay si sharci darro ah xabsi ugu jiraan muddo ka badan 50 cisho ayaa xusay in qaanuunka uu ogolaanayo in ilaa muddo 90 maalmood lagu baaro dambiyada lagu soo eedeeyay.

Axmed Cali Daahir ayaa hoosta ka xariiqay in laga hor dhacayo sharciga, waxa uuna u jeediyay howl wadeenada warbaahinta in ay haboontahay in ay sharciga eegaan inta aysan hadlin.

Ciidamada nabad sugida dowladda ayaa albaabada isugu dhuftay idaacadaha Shabeelle iyo Sky 15-kii Augost isla markaana xabsiga u taxaabay qaar ka tirsan howl wadeenadooda kadib markii ay ku eedeeyeen dembiyo ay ka mid yihiin xiisad hurin.

Hoos ka dhageyso wareysiga Axmed Caynab uu la yeeshay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka: