U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Guug Ee Qaranka Oo Digniin u Diray Ganacsatada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee dekadda Muqdisho wax kala soo degtay.

Wuxuu sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin ganacsato Soomaaliyeed oo dalka keena waxyaabo waqtigooda dhacay.

Cid walbo oo wax dhaca kasoo dejisa dekadda Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha in aanay ka baxsan doonin gacanta sharciga.

“Waxaan maqlayey maalmahaan ganacsato Soomalaiyeed oo  leh Quality Control lama sameyn karo, ma waxaad rabtaa in wax dhacay ka ganacsataan, wasiirka ganacasiga waxaan leeyahay waa inay fulaan awaamirta dowladda, cid walbo oo dalka soo gelisa wax dhacay waxaan u sheegayaa inaysan ka baxsan doonin gacanta sharciga” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Shalay ayeey ahayd markii dowladda Federaalka ay magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Dawooyin dhacsan waqtigooda oo laga soo dejiyey dekadda magaalada Muqdisho.

Goobjoog News