U bood dhigaalka

Xeer ilaaliyaha Puntland oo Ka Hadlay Weriye La Xiray

Sheeko:Amniga

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad gobaleedka Puntland  Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa maanta  ka hadlay xariga ciidama ammaanka ay u geysteen wariye Axmed Sheekh Maxamed oo ahaa agaasimihii radiyo Daljir oo ka howlgasha deenaada Puntland oo subaxnimadii saakay ciidmada ammaanka ay xabsiga dhigeen.

Xeer ilaaliyaha oo hadlay xarigga wariyaha ayaa sheegay in loo heysto dambiyo uu wariyuhu ka galay laamaha ammaanka Puntland, waxaana uu ku soo eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga.

Sidoo kale xeer ilaaliha ayaa xusay in guddigii gacanta  ku haayay kiiskaan ay soo dhameystireen baaritaankii kiiska loo heytay wariye  Axmed Sheekh, isla markaana guddigii baaritaanka ku hayay kiisaan gacanta ay codsadeen in la soo xiro sidaas ay laamaha ammaanka ay u soo xireen wariye  Axmed.

Dhanka kale xeer ilaaliye Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa carabka ku dhuftay in maalinta isniinta ah loo balamay in Maxkamad la soo taago wariyaha inta ka horeysana uu xirnaado ilaa maxkamaddu ay go’aan ka gaareyso kiiskiisa.

Hadalka maanta ka soo baxay xeel ilaaliyaha good ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo maanta ciidamada ammaanka ay xabsiga ay dhigeen aggaasimihii radio Daljir Axmed Sheekh, oo xeer ilaalintu ku soo eedeysay inuu u gafay sharciga.

Goobjoog News