U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka “Dhulka Soomaaliyeed Taako Ka Mid Ah Kama Galayno Heshiis Iyo Gorgortan”

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay arimaha ku aadan dacwadda Badda Soomaaliya iyo sidoo kale go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isaga oo Xeer Ilaaliyaha u waramayay Warbaahinta dowladda ayuu sheegay in marnaba wax gorgortan ah laga geli doonin Badda Soomaaliyeed iyo meel walba oo ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Waxa uu xaqiijiyay in 13-ka bishaan isaga iyo xubnaha kale ee u xilsaaran dacwadaan ay tagi doonaan xarunta maxkamadda Caalamiga ee cadaaladda ICJ, si ay u gudbiyaan Document-yadii haray.

“Badda Soomaaliyeed iyo dhulka Soomaaiyeedba taako ka mid ah wax gorgortan iyo heshiis aan ka galeyno malahan hadii aynu nahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, qadiyadda badda sidaad ogtahay waxaan horay ugu gudbinay Maxkamadda caalamiga ICJ kuna heshiin weynay anaga iyo Kenya, iyada ayeeyna weli jirtaa, waxa banaanka laga sheegayo waxba kama jiraan, cid ka tanaasushayna malahan, waxaan idiin sheegayaa in 13-ka bishaan in aan gudbineynayo qoraaladii ugu dambeeyay oo anigaba tagayo halkaasi, shirkadihii aan ganaaxyada kusoo rognay ee Lixda ahaa waxaa ilaah mahadiis ah 5 ka mid wey ka baxeen, waxaa haray oo kaliya shirkad laga leeyahay dalka talyaaniga, waxaan iyana u sheegaynaa in awaamiirta naga soo baxday qaadato, hadii kale maxkamad ayeey wajihi doontaan, dacwadii meeshii loogu tala galay ayeey maraysaa”ayuu yiri xeer ilaaliyaga qaranka.

Kenya ayaa sheeganaysa qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, hase ahaatee dowladda Federaaka Soomaaliya ayaa maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ waxa ay u gudbisay dacwadda la xiriirta arintaasi.

Goobjoog News