U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Warbixin Siiyay Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xeer ilaaliyaha qaranka  Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta warbixin dheer siiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa soo xaadiray illaa 35 xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari).

Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa waxaa uu faah-faahin ka bixiyay shaqada xafiiska, isaga oo sheegay in shaqadoodu tahay dacwo soo oogista, waxaa uu intaa ku daray in hey’ad kasta oo dambi baarta ay hoos tagto xafiiska xeer ilaalinta qaranka.

Waxaa uu sidoo kale Xeer ilaaliyaha ka hadlay in ay soo oogaan dacwooyinka la xiriira Criminal justice ah iyo xitaa in ay qaadi karaan dacwooyinka  Madaniga ah.

Waxaa uu in badan ka sheekeeyay xabsiyada dalka, isagoo  sheegay in magacaabistiisa maalmo kadib uu booqday xabsiyada Muqdisho,  soona arkay duruufo argagax leh,  arrintaas oo hadda wax badan iska badalay.

Mudada uu joogay xafiiska waxaa uu xoogga saaray sida uu sheegay sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda qofka xiran, caafmaadkiisa, noloshiisa iyo waqti uu xirnaanayo.

Xeer ilaaliyaha waxaa uu Aqalka sare u sheegay in maalin walbo ay qabtaan gal dacwo ama araajiga inta u dhaxeysa 200-300 oo dacyo .

Dr. Axmed Cali Daahir  waxaa uu sheegay in qofka aan la iska heyn maxkamad la’aan wax badan 48 saac isaga oo sidoo kale soo qaatay in qofka Al-shabaab ah ee nabad sugidda gacantooda ku jira ay tahay in la ilaaliyo xuquuqdiisa dastuuriga ah.

Xeer Ilaaliyaha waxaa uu ka hadlay in sanadkan keliya ay qabteen  462 dacwo,  sanadihii tagay markii uu yimid 3 bil keliya ayaa la qabtay 269, kii xigay 462 kiis iyo 789 Kiis.

Shaqaalaha:

Xeer ilaaliyaha qaranka mar uu ka hadlayey shaqaalaha xafiiska Xeer ilaalinta waxaa uu sheegay in markii uu imaanayey ay xafiiska  joogeen illaa 42 shaqaale oo 8 ka mida ahaayeen xeer ilaalinta, maanta waxaa uu sheegay in ay joogaan 100 shaqaale wax ka badan oo isugu jira Xeer ilaalin, maamul, shaqaale iyo la talin.

Xarunta Muqdisho oo keliya waxaa uu sheegayaa in ay ka howl-galaan 29 xeer ilaaliye, oo 6 ka mid ah ay  gabdho yihiin.

Xeer Ilaaliyaha waxaa uu ka hadlay sidoo kale in xafiis ka furayaan Galmudug, Hirshabeelle iyo meelo kale si xeer ilaalinta qaranka meel walbo dacwo uga furi karto.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha qaranka waxaa uu mudanayaasha aqalka sare u qeybiyay nuqul-ka dacwadii badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Goobjoog News