U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha “Waxaan Ka Digayaa In Faldambiyeedyo Hor Leh La Galo”

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda ay waddo baaritaanka siyaasiyiin uu sheegay in qalqal geliyeen jiritaanka dowladda.

Wuxuu sheegay Mr. Daahir in qof walbo uu ka sarreeyo sharciga, isaga oo si gaar ah uga hadlay arrintii C/raxmaan C/shakuur oo uu sheegay in cadaaladda la horgeyn doono.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa ka digay in la galo fal dambiyeedyo hor leh waa sida uu hadalka u dhigaye

“Waxaa socota baaris si sharciga waafqasanna u socota, sidaan go’aaminnay baaristaasi waxay quseysaa xubno siyaasiyiin iyo masuuliyiin isugu jira oo lagu tuhunsan yahay fal dambiyeedyada aan soo sheegnay ee ah qalqal la geliyey jiritaanka dowladnimada, waxaan rabaa inaan mar Labaad ku celiyo qof kastaaba waxaa ka sarreeya sharciga,  waana in loo hogaansamaa, iney socoto islamarkaana sida sharciga uu qabo cid walba baaristaasi wixii kasoo baxa lagu horgeyn doono baaristaasi wixii kasoo baxa, taasi oo ah waajib ah in qofkaasi muwaadinka ah helo maxkamad si cadaalad ah u dhacda, wadata kalsoonida shacabka, waxaan ku celinayaa in loo hoggaansamo awaamiirta iyo shuruucda dalka u deggan, waxaa muhiim ah in laga feejignaado in hadda laga fogaado fal dambiyeedyo hor leh iyadoo la isku deyayo in la qariyo faldambiyeedyadii hore, arrintaasi waan ka digayaa, dambi yaraan ma leh, cid walbo oo dambi gashana sharciga ayaan horgeyn donnaa” ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay xabsiga dhigeen siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Goobjoog News