U bood dhigaalka

Xeer Illaaliyaha Guud “Waa Fal Dambiyeed Wasaarad Dakhli Ku Uruursanaysa Si Aanan Xeerka Waafaqsanayn”

Sheeko:Dalka

Xeer Illaaliyaha Guud Dr. Axmed Daahir oo ka hadlayay madal wasaaradda ganacsiga ay ku shaacineysey qiimo dhimis ay u samaysay shirkadaha qaadanaya shatiga wasaaradda ayaa ka digey wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee qaada lacagaha iyada oo aanan la marsiinin dariiqii sharciga ahaa.

“Wasiir ama mas’uul kaligiis ma samayn karo tariifo, waxaan ognahay in meelo badan lagu qaado lacago, lacagahaasna aysan waddo sharci ah soo marin, dhamaan hey’adaha waan ku boorineynaa in ay sharciga waafaqaan, sida wasaaradda ganacsiga ay samaysay in golaha wasiirada ay mariyaan, haddii aysan taasi dhicin waxay noqoneysaa fal dambiyeed” ayuu wasiirka.

Waxa uu intaasi ku daray in ay jirto hab loo maro marka la jaangoynayo tariifo ama canshuur “Jaangoyn ama tariifo kasta waxaa soo saaraya ama soo jeedinaya wasiirka wasaaradaasi, kadib golaha wasiirada ayuu u gudbinayaa, kadibna xeer laga soo saaro ama in loo gudbiyo baarlamaanka, labaadi waddo ayuunbuu ku iman karaa”.

Bangiga Dhexe

Xeer Illaaliyaha waxa uu ku celiyey go’aankii horey xukuumadda u gaartay ee ahaa in wasaarad kasta iyo hey’ad kasta oo dowladeed ay sanduuq ku yeelato bangiga dhexe, halkaasina lagu rido lacagaha ay qabtaan.

“Sidoo kale dakhliga la qaadayo waa in uusan galin gacan qalad ah, dowladda waxa ay leedahay bangiga dhexe, hey’ad kasta waa in ay akoon ka furataa bangiga dhexe, dakhligaasna lagu shubaa akoonka, sida caalamka daahfurnaanta ay tahay waxa ay ku habboontahay in wasaaradaha aysan iyagu qabanin dakhliga, oo ay u diraan bangiga , halkaasna lagu shubo oo resiid (qaansheeg) loo keeno, waa sida kaliya ee ugu badbaadsan, hantida dowladana ay ugu badbaadayso, qofka muwaadhinkana ahna uu ku helayo damaanad”.

Waxa uu ka digey wasaaradaha dowladda ee akoonada ka furtey bangiyada iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay “Sidoo kale akoonada gaarka ah ee hey’adaha dowladda ka furanayaan bangiyada gaarka loo leeyahay waa la mabnuucey, ra’isulwasaaraha hadda jooga iyo kii ka horeeyey iyo golaha xukuumadaba go’aan ayay kasoo saareen, hey’ad dowladeed in akoon gaar loo leeyahay aysan ka furan karin bangi gaar loo leeyahay, sida Dahabshiil iyo Salaama, ee wuxu haddii ay tahay hey’ad dowladeed ama wasaarad waa in ay akoon ka furato bangiga dhexe, waa xeer waa nidaam, hey’adaha ajnabiga ah ma ogola, meelo laab ayay rabaan, yaanan loo sahlin”.

Adeegyada Shacabka

Xeer Illaaliyaha Axmed Daahir waxa uu ka hadlay dhibaatada ay shacabka ku qabaan marka ay adeegyo u doontaan laamaha dowladda, wuxuuna sheegey in dhaqamada xunxun ee dadka xafiisyada jooga ay horseeddo in dadka meelo kale oo aan sharci ahayn ay u raadsadaan adeegyada ay rabaan.

“Waxaa kale iyadana muhiim ah dadka ama muwaadhiniinta marka laga qaado dakhli, ama canshuur ama qidmo adeeg loogu qabanaayo, in haddana ay helaan weeye adeeggii ay dalbadeen, loona fududeeyo, in uusan qofka ku dhiiranin , wasaaradiibaad aadaysaa, bil baad isaga daba noqoneysaaye maxaad ka dooni , maad meelahaan Cabdalle Shideeye maad ka samaysatidba, marka qofka wasaaradii lagu dhibo, oo hey’addii lagu dhibo, oo wixii uu lacagtii ku bixin lahaa ama shatigii la siin lahaa uu intaasoo maalmood usoo noqdo, oo kii shatiga qoraayey uu wax weeydiiyo, oo kii shaabadeynayay uu wax weeydiiyo, oo kii saxiixaayey uu wax weeydiiyo, waxaa imaanaaya in uu qofka raadsado wax badiil ah” ayuu yiri xeer illaaliyaha.

Goobjoog News