U bood dhigaalka

Xeerka Saxaafadda: Waa Xeer Caburinaya Saxafiga Soomaaliyeed, Kana Hor-imaanaya Xuriyadda Hadalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Yarisow ayaa xeerka Saxaafadda hordhigay golaha shacabka federaalka ah isaga oo sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay qodobo ay ka mid yihiin:  Qoddobka 35aad ee aqoonta saxafiga, Qoddobka 18aad ee imtixaanka, Qodobka 34aad – Qidmada lagu fiirsado TV-ga (Tv Licence) iyo ganaaxa oo laga digay 300 – 1500 iyo guddiga oo labo sano shaqeyn-doona.

Mr. Yarisow waxba kama badalin qodobada ay Saxafiyiinta Soomaaliyeed codsadeen in la laalo sida kaalinta wasiirka warfaafinta ee guddiga, xulashada guddiga, shaqo-siinta iyo ceyrinta xubnaha guddiga, ciqaabta….iyo in wasaaradda ay faraha kala baxdo arrin quseysa masiirka Saxafiga Soomaaliyeed!!

Xeerka Saxaafadda oo ay  golaha wasiirrada meelmariyeen (July 14, 2017), isla markaana sugaya golaha shacabka, aqalka sare  iyo saxiixa madaxweynaha waxaa ka dhashay muran iyo kala aragti duwaanshiyo u dhaxeysa Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo wasaaradda warfaafinta.

Qoraalkan hoose, waxaan ku eegi doonnaa 10 qodob oo Saxafiyiinta Soomaaliyeed u arkaan tixgelintooda in ay muhiim tahay , isla markaana ay tahay in la badalo.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobada Shakiga Ku Jiro Ee Xeerka:

1. Wasaaradda Warfaafinta ayaa guddiga maamusha: guddigan ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS) waxaa qoran in uu madaxbannaan yahay laakin sida xeerkan saxaafadda ku qoran waa: Guddiga waxaa golaha wasiirada u soo jeedinaya wasiirka wasaardda warfaafinta, kadib markii goluhu ansixiyana waxaa dikreeto ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya…..aaway madaxbanaanida haddii wasiirka uu magacaabayo cidda uu rabo?!!

2. Xulista Guddiga ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS): Xeerkan kuma cadda, cidda guddiga 9-ka xubnood ah soo xuleysa iyo qaabka lagu soo xulayo, waxaa la leeyahay oo keliya wasiirka ayaa u soo jeedinaya golaha wasiirada….Laakin waa su’aale: inta aanu soo jeedin, Yaa soo xulaya xubnaha, qaabkee lagu soo xulayaa?

3. Xubnaha Guddiga:qodobkan waa mid isburinaya, Xubnaha waxaa la sheegayaa in ay ku jiraan 3 xubin oo ka mataleysa warfaafinta dowladda iyo 3 xubin oo wabaahinta gaarka ah, Laakin waxaa isla qodobkaas ku jira in aanu ka mid noqon Karin: Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest)..Hadana Yaa matalaya warbaahinta dowladda ah iyo midda gaarka ah?

4. Ganaaxa: Guddigan waxaa uu leeyahay in ay abaalmariyaan ama ganaaxaan cidda ay u arkaan sidaasi, waxaa meesha ka maqan in la dhiso guddiga Discipline-ka sida dalalka caalamka ka jirta, waxaa kale oo ka maqan guddiga dacwo dhageysi.

5. Ciqaabta Saxafiga: sida uu golaha shacabka u sheegay wasiirka warfaafinta Qodobka 5aad – Waxaa laga saaray ereyga “haddii uu fal dambi ka dhasho (criminal case)” – arrimaha fal danbiyeedka waxaa jira shuruuc kale oo ay khuseyso..taasi micnaheeda weli Saxafiga waa la ciqaabi karaa.

6. Guddiga Ma Difaacayo Warbaahinta: Meelna kuma qorna xeerkan in guddiga uu difaacayo Saxafiga ama hey’adaha warbaahinta.

7. Nidaamka Shatiyada lagu Bixiyo: Xeerkan waxaa ku jira faqradiisa B- Waa inay jirtaa baahi loo qabo warbaahintan waafaqsan tahayna qorshaha qaranka…Yey tahay in uu sheego baahida iyo  waafajinta qorshaha qaranka

8. Faafin Xog Been ah: Xeerkan waxaa ku qoran“ Waxaa reebban in la faafiyo warar ama qoraallo been ah iyo dacaayad lid ku ah sharafta muwaadin, shakhsiyaad, hay’ad ama dawladda, iyadoo Warbaahintii falkaas ku kacda laga doonayo caddeyn dhab ah……..Xeerka, ma qeexayo waa maxay been abuur, halkan waa meesha uu dhibka iyo isku dhaca ka iman doono!!

9. Lacag:Waxaa la sheegay in la qaadayo lacag ruqsad ama Canshuur sanadle ah, halkan kuma cada tirada lacagtaasi.

10. SONNA: Waxaa xeerka lagu soo daray SONNA, arrintaas oo u baahan in la fahmo.

Hadaba, waxaa haboon in labada aqal ee baalamaanka federaalka ah iyo madaxweynaha Soomaaliya ay isha ku hayaan cabashada Saxafiyiinta Soomaaliyeed isla markaana ay dib u celiyaan Xeerkan ka hor-imaanaya maslaxadda iyo danaha saxafiga Soomaaliyeed.

Goobjoog News