U bood dhigaalka

Xeerkii Madaxweyne Ee Lagu Meel Mariyey Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxay idiin soo gubineysaa xeerkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku meel mariyey maanta oo Axad ah heshiiskii xubnaha madasha ay ka gaareen doorashooyinka dalka ka dhacaya 2016.

Xeerkaan waxaa saxaafadda u akhriyey Afhayeen Daa’uud Aweys waxaana qoraal idiin kaga soo dhigtay Goobjoog News:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay soo jeedinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku xusan xeer XRW 21 May 2016

Markuu arkay soo bandhigidda hannaanka doorashada sanadka 2016 ee 3 April 2016 ay xukuumadda u gudbisay golaha shacabka ee Federaalka.

Markuu arkay qaraarka baarlamaanku Federaalka ansixiyey ee Tirsigiisu yahay TIX-GSS22A 15-28-JULY-2015 ee la xiriira inaysan 2016-ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Markuu arkay in boqolaal Soomaali ah ay ka qeybqaateen geeddi socodka iyo wadatashiga qaran oo gacan ka geystay in la kala caddeeyo mabaadi’da iyo shuruudaha muhiimka  u ah hannaanka doorashada 2016 ayna si waxtar leh uga qeyb galeen una taageereen xubnaha baarlamaanka Federaalka.

Markuu garawsaday baaqii Muqdisho 16 December 2015 ee laga soo saaray dhammaadkii kulan weynihii Labaad ee madasha wadatashiga qaran ee lagu garwsaday mabaadi’da iyo tallaabooyinka hagaya geeddi socodka doorasho 2016

Markuu arkay qaraarka baarlamaanka Federaalka ansixiyey 27-kii January 2016 kuna caddeeyay inuu soo dhaweyn doono hannaan kasta oo doorasho loogana guuri doono August 2016, haddii wadar ogol laga helo madasha hoggaamiyayaasha qaranka.

Markuu arkay go’aankii golaha wasiirada ay ku gaareen kulankooda caadiga ahaa 28 Janury 2016 kuna saabsanaa hannaanka doorasho ee 2016.

Markuu tixgeliyey qaraarka golaha ammanka tirsigiisu yahay 2232 2015 ee lagu qeexay in aysan jiri doonin dib u dhigis lagu sameeyo mudada doorashada Soomaaliya, baaqyadii kala duwanaa beesha caalamka ku taageertay hannaanka doorashada ay guddonsadeen madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.

Markii uu tixgeliyay go’aanka madasha hoggaamiyayaasha qaranka oo si wadajir ah u qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay war-murtiyeedkii lasoo saaray 12 Apr 2016 beesha caalamkuna ay taageertay.

Markuu arkay shirarka mudada dheeraa ee baarlamaanka Federaalka iyo ansixintii hannaanka doorasho ee la isku raacay iyadoo laga war hayo xaaladda dalka ka jirta, waqtiga yare ee haray iyo howlaha badan ee harsan, welina uu taagan yahay muran aan dhamaaneyn oo laalay go’aan ka gaaris wax ku ool u ah masiirka dalka iyo in lagama maarmaan ay tahay in go’aan degdeg ah laga gaaro  si loo badbaadiyo qaranka shacabkana loo gaarsiiyo hannaanka doorashada la isla wada ogolaaday.

Markuu arkay qodobada 1,22,72,87,9,97,99, faqradda A,B,I, 100 ee Dastuurka Federaalka KMG ah, markuu garwaaqsaday kala duwanaanta fog ee ka dhex jirta xubnaha golaha shacabka ee ku saabsan hannaanka doorashada 2016, oo abuuri karta khilaaf sii jiitama oo sababi kara in aad looga dib dhaco waqtiga doorashada ee Dastuurka tilmaamay, sidaa darteed ay tahay lagama maarmaan in lasoo saaro xeer madaxweyne oo lagu dhaqan geliyo hannaanka geeddi socodka doorasho ee 2016 mudada loo xadiday.

Sidaa darteed wuxuu xeeriyay madaxweynaha:-

In la dhaqan geliyo go’aanka madasha hogaamiyaasha qaranka ay si wadajir ah uga qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay war-murtiyeedkii ay soo saareen 12-kii April sanadkii 2016-ka iyo soo bandhigidda hannaanka doorashada sanadka 2016-ka ee 30-kii April sanadkan 2016-ka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay golaha shacabka Federaalka.

In hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo kaliya, markii ay dhammaato mudada Dastuuriga ah hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta.

In la ilaaliyo mabda’a Dastuuriga oo ah in aqalka sare ee baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan deegaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

Suurta gelinta habka ay ku imaaneyso matalaadda Muqdisho aqalka sare xalinta wixii tabasho ah go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee madasha haoggaamiyeyaasha qaranka.

Xeerkaan wuxuu dhaqan galayaa isla maalinta uu saxiixo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News