U bood dhigaalka

Xeraale iyo Dhuusa-mareeb oo loo sameeyay xarumo ay ku shaqeeyaan

Sheeko:War

Maamulka gobolka Galgaduud ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray xarumaha maamulka deegaanka Xeraale iyo degmada Dhuusa-mareeb kadib markii dayactir lagu sameeyay.

Maamulka gobalka waxa uu sheegay in xarumahani cusub uu ku shaqeyn doono maamulka deegaanka Xeraale oo muddo ku soo shaqeynayay xarumo kumeel gaar ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka qeyb galay furitaanka xarumahan ay ku shaqeynayaan Xeraale iyo Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu maamulka gobolka uga shaqeyn lahaa dhammaa deegaanada hoos yimaada.

Maamulka deegaanka Xeralaae oo ugu horeyn xariga laga jaray ayaa sheegay in dib u howl galinta xarumihii maamulka ay aad ugu faraxsan yihiin, isla markaana ay soo dhoweynayaan

Fulinta dhismaha ay ku shaqeynayaan xarumaha maamulka waxaa gacan weyn ka geystay hay’ad fadhigeedu tahay Dhuusa-mareeb.

Hay’addan ayaa sidoo kale gacan ka geysatay dhismaha xarunta ay ku shaqeyn doonto degmada Dhuusa-mareeb.