U bood dhigaalka

Xeraale Oo Deggan

Sheeko:Amniga

Wrarka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku warammaya in xaalad deganaansho ah ay ka jirto halkaasi oo shalay dagaal xooggan uu ka dhacay.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad deegaanka ah, dagaalkii socday ayaa si iskiis ah ku istaagay, iyadoo aanay jirin cid kala dhexgashay maleeshiyaadkii gacanta ku hayey Xeraale iyo kuwa Ahlu-sunna ee ku biiray Galmudug ee shalay weerarka ku qaaday deegaankaasi.

Dagaalladii shalay dhacay waxaa ku dhintey in ka badan 40 qof iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana dhanka kale la sheegay in shacabkii ugu badnaa ay isaga barakaceen deegaankaasi.

Maadaama aanay jirin cid kala dhexgashay dhinacyadii ku dagaallamay Xeraale ayaa dadka qaar waxay ka baqayaan in mar kale la dagaallamo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News