U bood dhigaalka

Xerada IFO2: UNHCR Oo Cabasho Laga Yahay

Sheeko:Dalka

Dibadbax ay sameeyeen dadka ku nool xerada qaxootiga Ifo 2 ayay kaga cabanayeen hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR taasi oo dooneysa in ay xirto xeradan.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadka ku nool xerada Ifo2 loo rari doono xeryo kale oo ay ka mid yihiin Dhagaxley iyo Ifo1.

Qaar ka mid ah qaxootiga ku nool xeradan ayaa intooda badan waxa ay dib ugu soo laabteen gudaha Soomaaliya, halka kuwa weli ku harsan ay sheegeen in aysan ku laaban karin Soomaaliya.

Dadkan ayaa waxa ay sheegayaan in aysan jirin meel ay u laabtaan maaddaama aan la sameynin waxyaabaha nolosha asaasiga u ah.

Isniina Maxamed Dhaqane oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xerada Ifo2 ayaa Goobjoog News u sheegtay in aaney jirin meel ay u laabtaan dakan waxa ayna tiri “Wax laga banbaan baxo ayaa nala ku suubiyey oo hay’addii dhammeyd oo aabbaha iyo hooyada noo ahayd ee UNHCR ay nagu sameysay, kaamka Ifo2 waxaa naloo sheegay in la rarayo, annaga iyo UNHCR waxaan iskula jirnay shir waxaan ku ballanay in dadka boosas loo hagaajiyo, in biyagelin loo suubbiyo, daryeel caafimaad loo suubbiyo waxbarashana la siiyo”.

Dadka ku nool xeradan ayaa sheegay in aysan rabin in loo raro xeryo kale maaddaama aan loo diyaarin waxyaabihii asaasiga ahaa qaar ka mid ah dadkan oo la hadlay Goobjoog News waxaa hadalladoodii ka mid ahaa:

“Annaga oo ilmaheenna ilkaha ku wadanna oo dalka aan uga soo cararnay dagaallo ayaan meeshaan soo maciin badnay, annaga haddaanan xaquuq laheyn oo bani’aadan aanan ahayn UNHCR waxaan ka codsaneynaa dil dil nooma dhaamee in dalkeynii na laku cesho”.

Qof kale waxa uu yiri “ Xiritaanka xeradan waa mid qasab ah waxa laga wada hadlayna ma ahayn, hal maalin ayaa nala dhahay xerada waa la xiraa ee ka guura”.

Goobjoog News