U bood dhigaalka

Xisbiga Wadajir Oo Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Gal Dacwadeed Uga Furay Ciidan Iyo Saraakiishii Weerartay

Sheeko:Dalka

Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir ayaa maanta maxkamadda ciidanka qalabka sida gal-dacwadeed uga furay ciidankii weerarka u geystay xaruntooda iyo saraakiishii ka dambeysay.

Xeer- ilaalinta ciidanka qalabka sida oo qabatay dacwo ay gudbiyeen xisbiga Wadajir, iyada oo ay wehliyaan magacyada dadkii ku lugta lahaa weerarka, waxaa kale oo la diiwaan-geliyay sida weerarka u dhacay, dadkii halkaasi lagu dilay iyo khasaarihii maaliyeed intaba.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta maxkamadda ayaa sheegay in xeer ilaalinta ciidanka qalabka sida ay qabatay dacwo ay u gudbiyeen xisbiga, dacwadaasi oo  ka dhanka ah ciidanka iyo saraakiisha weerarka geystay, isaga oo intaasi raaciyay in maxkamadda ay hor-dhigeen khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee goobta ka dhashay.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale oo hadlayey waxaa uu yiri “waxaan halkan u nimid maanta in aan furno dacwadii ka dhanka aheyd Xad-gudub lagu sameeyay xarunta xisbiga Wadajir iyo dadkii ku waxyeeloobey 5tii qof ee ku geeriyootay meesha oo gacan ka xaq-daran ay meesha ku dishay in aan la tiigsanno sharciga”

Mudane Guutaale oo sii hadlayey waxaa uu sheegay in dacwada la qabtay  ay ku jiraan kiis laga gudbiyay askartii goobta weeraray iyo kuwii amray intaba, taas oo xeer ilaalinta aqbashay, galka dacwadana ay furtay, isaga oo intaasi ku daray in tani ay bilow tahay oo mas’uuliyiinta sar-sare loo gudbi-doono.

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga Cali Maxamed Tima-jilic oo goobta ka hadley waxaa uu isna ku dheeraaday sida ay u fiican tahay in sharciga lagu kala baxo, isaga oo maxkamadda ka rajeyay in dadkaasi si cadaalad loo horkeeno, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa

“Anagu waxaa nahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, oo sharciga mar kasta in ay u hiiliyaan la rabo, waxaa xisbiga Wadajir uga mahadcelineynaa haddii maanta sharciga wax ku doonayaan, waxaan leenahay sharciga ayaa cid walbo ka sareeya,  sharciga ayaan ku kala baxeynaa, waa laga soo gudbay qofkii wax geysta takanadiisa loo geli jiray geedaha hoostooda, maanta waxaan ku faraxsanahay in sharcigii iyo qaanuunkii dalka u yaallay ha lagu kala baxo aan leenahay oo wax lagu doonayo, waxaan asxaabteenna ku tartarsiineynay in sharciga maraan, maanta waxaa aan taagganay waa maxkamaddii ciidamada qalabka sida oo galka aan ka soo furney, waxaan rajeynayaa in guusha ay timaado, waxaan rajeynayaa in maxkamadda si cadaalad ah ay dadkaasi sharciga u soo hortaagto, waxaan rajeyneynaa si waafaqsan shareecada Islaamka arrintaas loo galo oo la isku fiirsanin qaladaadka iyo dambiyada dhacaya”

Ugu dambeyntii, waxaa meesha ka hadlay Guddoomiye Suleymaan oo ah madaxa Xisbiga Horumarinta isaga oo soo jeediyay in sharciga lagu dhaqmo.

“Warka waa sida odoyaashu yiraahdeen, muhiimmada waxaa anagu siineynaa way dhammaatay xilligii khilaafka sulux wax lagu xallin-jiray, in sharciga wax lagu dhabaqo ayaan culeyska saareynaa, waxaan ka codsaneynaa hey’adaha sharciga gacanta ku haya in ay arrimahan oo kale dedejiyaan, oo aaney jiitamin arrinkani”.

Goobjoog News,