U bood dhigaalka

Xidhibaan Idiris Cabdi: 900 Soomaali Ah Ayaa Ku Xiran Dalka Itoobiya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa sheegay in xabsiyo ku yaalla gudaha dalka Itoobiya in ay ku xiran yihiin ku dhowaad 900 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo laga xiray gudaha dalka.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dadkaasi qaarkood ay xiran yihiin ku dhowaad 2 sano, islamarkaana aaney jirin maxkamad la saaray, sidoo kale ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Howlgallo ay ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ka sameeyeen gudaha dalka ayuu sheegay in lagu kaxeystay dadkaasi.

“Dad tiradooda ay gaareysa 900 oo u badan dhallinyaro ayaa ku xiran jigjiga iyo Godey, Kililka Shanaad, waxaa dadkaan laga qabtay gudaha Soomaaliya, waxaana qabtay ciidamada Liyuu Booliis, waxay dadkaasi isugu jiraan xoolo dhaqato, dhuxulley, ganacsato iyo macallimiin dugsi Qur’aan, iyadoo dowlad ay dalkeenna ka jirto ayaa inta la waday Itoobiya la geeyay, Odoyaal iyo haween baa ku jira, Labo sano ayeey dadka xiran yihiin, illaa hadda ma jirto cid ka hadashay arrintaasi” ayuu yiri Xildhibaan Dhaqtar.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watey ayaa dhanka kale waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in arrintaasi ay si degdeg ah uga hadasho si loo sii daayo shacabkaasi aan waxbo galabsan.

Goobjoog News