U bood dhigaalka

Xidhibaanno Golaha Shacabka Ah oo Meel Adag Ka Istaagay Faragelinta Xabashida ee Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa si adag uga hadlay faragelinta xabashida ee arrimaha Galmudug iyada oo Villa Somalia ku eedeeyey adeegsiga awood shisheeye.

Murashax Cabdiraxmaan Odowaa oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inuu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu caado ka dhigtay isticmaalka xoogga isaga oo soo qaatay tusaalooyin hore:

  1. Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd.
  2. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin.
  3. Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen.
  4. Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxweyne Madoobe.
  5. Waxaa ugu danbeeya kuwa uu hadda ku sii daabulayo Dhuusamarreeb si uu ugu boobaan doorashooyinka Galmudug una soo afduubaan musharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsana in si xor iyo xalaal ah nooga adkaan karo.

Ugu dambeyntii waxaa uu ku soo gabagabeeyey “ Haddaba waxaan xasuusinayaa Madaxweynaha filimkaas hore ayaan usoo galnay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeenna. Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo.

Dhankiisa, Xildhibaan Mahad Salaad ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida dad qaar u inkireen xataa iney Xabashida joogto Dhuusamareeb.  “Hadda kahor waxaan daawaday Riwaayad laga matalay labo tuug oo nin derbi jiifa alaab kasoo xaday. Midkii macalinka ahaa ayaa alaabtii qaatay. Midkii barbaratoyga ahaana waxaa lagu yiri meeshaas ayaan ku dhuumanayaa ee hadii lagu warsado: Tuug ma aragtay. Ma arkin dheh. Labo nin oo wax soo xaday ma aragtay. Ma arkin dheh. Meeshaas ayaan galayaa ee ha i sheegin, hadii aad i sheegtana waan ku marjihaa. Anigana ha i marjinin ayaan iri! Nasiib wanaag isagoo meeshii taagan ayaa waxaa ku soo baxay askari iyo ninkii alaabta laga soo xaday oo isla socda. Markii su’aashii ugu horaysay la waydiiyayna wuxuu sidii loox uga baxay sirtii ay isku ogaayeen isaga iyo sxbkiis.

Xildhibaan Salaad oo hadalkiisa ku soo koobay “Maanta waxaa noo shidan riwaayadii oo magaca laga badalay “CIIDAMO ITOOBIYAAN AH MA ARAGTAY. MA ARKIN DHEH”. Dadku indho la’aan maahan, ciidamadana dharaar cad ayay magaalada soo galeen ee habeen saqdii dhaxe guuro kuma soo gelin ee maxaa loo inkirayaa. Hadiise wax xun ay yihiin oo aan la sheegan karin maxaa markii hore loo dalbaday?

Xildhibaan Axmed Fiqi oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxyaalaha madaxweyne Farmaajo uu ku faani jirey sanadkii 2017-kii waxaa ka mid aheyd in Gabre uu dalka ka eryey! Gabre dhiigyacab Macruuf ah oo danbiyo dagaal dalkaan ka geystey ayuu ahaa.. Eryid ka badan ayuu astaahiley laakin tallaabo wanaagsan ayey aheyd taas lafteedu.

Fiqi oo sii hadlaya “Balse shaqadii Gabre Bilaa Gabre ayey Soomaaliya ka socotaa ee hala ii weydiiyo madaxweynaha shaqadaan yaa wada? Ma Gabre-Somali ayaa noo dhashay ka shaqo iyo xaasidnimo badan kii Itoobiyaanka ahaa? Gabrihii Itoobiyaanka ahaa mudadii uu joogay muwaadin Soomaaliyeed dalka lagama dhoofin, doorashooyinka dawlad goboleedyada ciidamo itoobiyaan ah oo faragelin ku sameeya uma diri jirin, musharixiin tartamaysa midkoodna sooma xiri jirin, intaas waxaa dheer afkiisa lagama maqli jirin labada dal ayaa la isku darayaa ama dekedo ayaan rabnaa balse Gabre-Soomaali waxaas oo dhan waa u xalaal! Haddaba Gabre-Itoobiye waa baxey laakin xafiiskiisii weli shaqooyinkii waa wadaa weliba ayagoo ka baaxad weyn kuwii hore.

Goobjoog News