U bood dhigaalka

Xidhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Gaaray Magaalada Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa goor dhaw gaaray wafdi xildhibaanno ah iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan.

Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa wafdigaan waxa ay kusoo dhaweeyeen garoonka diyaaraha ee magaalada Baladweyne.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobalka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullaahi oo ka mid ah xubnahaan gaaray Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in ay la socdaan xildhibaanno uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow, sidoo kalena halkaasi ay ku wajahan yihiin xildhibaanno kale.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xildhibaanadaan ay u tageen halkaasi sidii ay ula kulmi lahaayeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Baladweyne , saraakiisha AMISOM iyo kuwa xoogga dalka iyo sidoo kale la tashi Odayaasha oo ku aadan dhanka maamulka loo sameyn doono gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News