U bood dhigaalka

Xidigaha Xulka Qaranka Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaaray Kooxah Midnimo Iyo L.L.P Jeenyo

Sheeko:Cayaaraha

Xidigaha xulka qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinayna ka qeyb galka tartamada qorshaysan sanada 2019 ayaa maalmihii lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo la dheelay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Midnimo iyo L.L.P Jeenyo,iyagoo gaaray guul muhiim ah maadaama ay  u aheyd ciyaaro saaxiibtinimo oo tijaabo ah.

Kulankii 1aad waxa ay la ciyaareen kooxda Midnimo waxayna ciyaartaas kusoo idlaatay 5-2 oo ay guusha qaateen xidigaha Ocean Stars waxaana goolashaas u dhaliyay xidigaha kala ah Cabdullahi Cali Bile,Feysal Axmed Xasan,Feysal Xasan Xaashi iyo Abuukar Cabdullahi Siidoow.

Waxayna ka kala tirsanyihiin kooxaha kala ah Horseed,Dekedda iyo  Muqdisho City Club macalmin Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ka mid ah tabarayaasha xulka qaranka ayaa sheegay in howshan ay bilaawo tahay ayna sii wadi doonaan in ay Ciyaartooyda xulka ka gaarayaan kaalamaha hore taratamada ay ka qeyb galayaan sanadan.

14-Maarso 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliya ee sanadaha soo aadan u magacaabay Bashir Hayford oo u dhashay dalka Ghana,isagoo soo hogaamiyay xulka gabdhaha iyo wiilasha Ghana,Macalin Hayford ayaa sheegay in uu da’daal ku bixinayo dhismaha heerar kala duwan ee xulka Soomaaliya si mustaqbalka loo gaaro guul waaweyn

Kualankii labaad ee saaxiibtinimo  ciyaartioyda xulka waxa ay natiijo 4-2 ka gaareen dhigooda Jeenyo waxaana goolasha u dhaliyay xidigaha kala Q eys Cabdulle Macalin,Deeq Cabdiraxmaan Taree,Cabdullahi Cali iyo Feysal Saabuuni macalimiinta xulka ayaa bogaadiyay xidigahooda,iyagoo sheegay in bandhigan loogu baahan yahay tartamada banaanka ee kusoo wajahan.

01 April 2019-Xulka ayaa si rasmi u bilaaway tababarka guud ee 2019 mar aan booqday xerada tabababarka ee garoonka Jamaacadaha ciyaartooyda ayaa inoogu waramay in ay qaadayaan tababar xoogan si natiijooyin wanaagsan ay ugu soo hooyaan taratamada ay ka qeyb galayaan

Xulalka heerar kala duwan ee qaranka ayaa bilaha soo aadan ka qeyb galaya ilaa saddex tartan waxaana laga sugayaa in ay soo hooyo natiijooyin aad u waangsan oo horomarka dalka

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guulaha Ciyaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2295217184062769/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle