U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Degmada Tiyeeglo, Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab halkaasi laga dareemayo.

Waxaa maalintii Labaad hawada ka maqan isgaarsiinta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kadib maalmo xiriir ah oo dagaallo halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Inta badan shacabkii ku dhaqnaa degmadaasi ayaa halkaasi isaga barakacay, waxaana dadku ay ka baqeen iney dhibaato kasoo gaarto dagaallada halkaasi kusoo noqnoqday.

15-kii bishan dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa ka dhacay Tiyeeglow, waxaana dagaalkaasi ku billowday weeraro Ismiidaamin ah.

Ciidamada dowladda Federaalka oo garabsanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa dib ugu laabtey degmada Tiyeeglow, kadib markii halkaasi ay faarujiyeen ciidamada Itoobiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News