U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Bariga Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Axad ah ka imaanaya Bariga gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ay ka jirto halkaasi.

Habeenkii xalay ahaa ayaa lasoo sheegayaa in deegaan duleedka ka ah degmada Gaalkacyo ay gaaren ciidamo badan oo Labada dhinac ka kala socda, iyadoo shacabkii halkaasi ku dhaqna ay ka barakaceen.

Dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo waxa ku dhintey dad ka badan 10 qof iyadoo dhaawacana uu gaarayo 20, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halkaasi iyo saraakiil caafimaad.

Maamullada Puntland kama aanay hadal dagaalladan, waxaana dagaalladan imaanayaan xilli Galmudug iyo Puntland ku heshiiyeen nabadeynta Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News