U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanka Godinlabe, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa saaka isku horfadhiya degaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Deegaanka Godinlabe waxaa shalay dagaallo ay ku dhexmareen ciidamada Ahlu-sunna iyo kuwa Galmudug oo halkaasi ku sugnaa.

Inkastoo saakay ay tahay xaaladda mid ka deggan sidii shalay, ayaa hadane waxaa laga baqayaa in dagaallo kale ay halkaasi ka dhacaan, maadaama ciidamadii dagaallamay ay deegaankaasi isku horfadhiyaan.

Dagaalkii shalay dhacay, waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah, islamarkaana soo kala gaartay dhinacyadii dagaallamayey.

Shacabkii deganaa deegaanka Godinlabe ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay isaga barakaceen,  iyadoo ay jirto waxyeello soo gaartay dadka shacabka ah.

Ahlu-sunna ayaa sheegtay in deegaanka Godinlabe ay kula dagaallameen ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-shabaab ah waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Goobjoog News