U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose oo ay kala wadaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Deegaanno ay ka mid yihiin Tooratoorow iyo ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayo xiisaddan dagaal oo u dhaxeeysa dhinacyadaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wararka qaar ay sheegayaan inay la wareegeen deegaanno aysan horay gacantooda ugu jirin kuwaas oo haddana ay dib kaga soo laabteen.

Deegaanka Tooratoorow warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda gacanta ku heysa waxaana dagaalyahannada Al-shabaab laga soo xigtay inay iyagu weli maamulayaan.

Saraakiisha dowladda Federaalka ee dhaqdhaqaaqyadan ciidan wada ayaa ka gaabsaday in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan ulajeedkooda hadda iyo qorshaha ay damacsan yihiin.

Goobjoog News