U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Togdheer

Sheeko:Dalka

Xiisad dagaal ayaa ka taagan degaanno ka tirsan gobolka Togdheer halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo salka ku haya aanooyin qabiil.

Wararka ka imaanaya degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in xiisaddani dagaal ay u dhaxeyso malleeshiyaad ka soo kala jeeda Labo beel.

Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka degaanka, ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku dhimatay dagaal beeleedkani kaasi oo ka socda deegaannada Horufadhi iyo Gocondhaale oo u dhexeeya magaaloyinka Buuhoodle iyo Caynaba ee waqooyiga Soomaaliya.

Dagaalka oo salka ku haya khilaaf ka dhashay degaanno lagu muransanyahay ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhex billowday maleyshiyaad abaabulan oo reer miyi ah, iyadoo xiisadda dagaalka Todobaadkani laga dareemayay degaannadaasi.

Waxgaradka Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa ku howlan sidii loo damin lahaa xiisaddan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada