U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Duleedka Magaalada Kismaayo

Sheeko:Amniga

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Laba beel ayaa saakay laga soo sheegayaa duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo shalay beelahan uu dhexmaray dagaal khasaare badan sababay.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa lasoo sheegayaa in saakay ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Kismaayo, waxaana laga baqayaa in ay dagaallamaan.

Dagaal shalay ka dhacay halka ay isku horfadhiyaan maleeshiyadan ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saakay barakac uu ka bilowday duleedka Kismaayo mana jirto weli cid kala dhexgashay dhinacyadan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News