U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Saakay Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ka Tirsan Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeeysa maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Deegaanka Qob-gaashaan oo ku dhow deegaanka Godod iyo deegaanno kale oo gobolka Mudug ah ayaa laga soo sheegayaa in xiisadda ugu daran ay ka jirto.

Dadka ku dhaqan halkaasi qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog News, in hub uruursi ay kala wadaan Labada dhinac.

Maalin kahor dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaadkaan oo ka dhacay deegaanka Qob-gaashaan ayaa sababay geerida dad ku dhow 5, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Marka laga reebo baaqa ay mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland u marinayaan hawada Labada dhinac ee is haya, ma jirto dedaal muqdo oo lagu kala dhexgalayo dhinacyadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News