U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Saakay Laga Soo Sheegayo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka saakay oo Isniin ah ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmdug.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Labadan maamul ayaa shalay ka dhacay Gaalkacyo, waxaana dagaalkaasi uu geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Saakay waxaa lasoo sheegayaa in Labada ciidan ay isku horfadhiyaan Galbeedka Gaalkacyo oo ah halka dagaalladii shalay dhacayey kasoo bilowdeen, sidoo kalena maalmihii ugu dambeeyay la isku horfadhiyey, waxayna kala wadaan Labada dhinac abaabul ciidan.

Shacabkii faro ku tiriska ahaa ee ku harsanaa magaalada ayaa habeenkii xalay ahaa halkaasi ka barakacay, kadib saameyn badan oo dagaalkii shalay ku yeeshay guud ahaan Gaalkacyo.

Waxaa jira burbur xooggan oo soo gaaray xaafadaha Gaalkacyo, maadaama dhinacyadii dagaallamayey ay gudaha usoo galeen magaaladaasi.

Ma jirto dedaallo muuqdo oo lagu daminayo dagaallada Gaalkacyo, iyadoo xilli walbo shacabka ay filan karaan isku dhacyo hor leh oo Labada dhinac ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News