U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Saakay Laga Soo Sheegayo Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay oo Axad ah halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamo kala taabacsan Labadan maamul ayaa isku horfadhiya galbeedka magaalada Gaalkacyo, iyadoo halkaasi shalay dhinacyadan ay ku dagaallameen.

Ugu yaraan Shan qof ayaa dagaalkii shalay galab illaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku geeriyootay, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan y ahay.

Xaaladda guud ee Gaalkacyo waa mid kacsan, waxaana xilli walbo la filan karaa dagaallo mar kale ka dhaca magaaladaasi.

Shacabkii ku dhaqnaa magaalada Gaalkacyo intoodii badneyd waa ay ka barakaceen magaaladaasi, waxaana guud ahaan magaalada saameeyay dagaalladan.

Waxgaradka Gaalkacyo ayaan weli ku guuleysan iney xalliyaan xiisadda Gaalkacyo, iyadoo aaney muuqan wada hadal Labada dhinac ay arrintaan ka yeelanayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News