U bood dhigaalka

Xiisad Ka Dhalatay Dil Shalay Loo Geystay Darawal Mooto Bajaaj Oo Ka Taagan B/weyne

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad la sheegay in ay ka dhalatay dil shalay uu askari Booliiska ka tirsan u geystay wiil dhallinyaro ah oo kaxeynayey Mooto Bajaaj.

Rag hubeysan oo la sheegay in ay ku heybyihiin wiilka dhintay ayaa lagu soo waramayaa in ay xireen waddooyinka magaalada B/weyne iyaga oo ku hanjabay in xoog ku geli doonaan saldhigga uu ku xiran yahay askariga wax dilay.

Waxaa socda dedaal badan oo ay wadaan maamulka gobolka Hiiraan heer degmo iyo heer gobol, iyadoo sidoo kalena la isugu yeeray waxgaradka Labada dhinac.

Ma jirto wax gaadiid dadweyne ah oo dhexmaraya gudaha magaalada B/weyne iyadoo dhanka kalena uu yar yahay dhaq-dhaqaaqa ganacsi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News