U bood dhigaalka

Xiisad Ka Dhalatay Muran Ku Saabsan Dhul Oo Ka Taagan Degmada Balanbal Ee G/Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud bartamaha dalkaan Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan inay ka jirto xiisad dagaal.

Xiisadda dagaal ee ka taagan duleedka degmadaasi ayaa saameyn ku yeelatay wadada xiriiria degmooyinka Dhuusamareeb iyo Balanbal.

Wararka laga helayo degaanka ayaa sheegaya in xiisaddani oo salka ku heysa muranka dhul ballaaran oo halkaa ku yaalla ayaa u dhaxeysa labo maleeshiyo.

Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in xiisaddaan ay ku baxeen waxgaradka iyo odayaasha degaanka oo lagu guuleystay in la baajiyo dagaal laga baqdin qabay inuu dhaco.

Dad ku sugan degaanka ay xiisaddu ka jirto waxay Goobjoog News u sheegeen inay soconayso waanwaan ay odayaashu ka dhex wadaan labada dhinac ee dhulkaan isku heysata.

Degaannada xiriiriya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Balanbal ee gobalka Galgaduud ayaa had iyo jeer waxaa ka dhaca dagaallo ku saleysan dhul daaqsiin, ceel biyood iyo aano qabiil.

Maamullada degaanka ka jira sida Galmudug iyo Ahlu Sunna weli kama aynaan hadlin xiisaddan dhulka ku qotonta ee ka jirta halkaa.

Goobjoog News