U bood dhigaalka

Xiisad Ka Taagan Badda Yar Ee Edward

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 12 kalluumeysato ah ayaa dhimatay, halka la weysanyahay12 kale ka dib markii iska horumaad xooggan oo u dhaxeeya Ugandha iyo Congo uu ka dhacay badda yare e lagu magacaabo Edward.

Badda yare e Edward ayaa waxaa isku haysta Ugandha iyo iyo Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo sida uu sheegay mas’uul ka tirsan Congo.

Muhindo Kyakwa oo ka tirsan Ma’uuliyiinta gobolka waqooyi ee Kivu ayaa sheegay in 12 ka mid ah muwaadiniintooda ay ku dhinteen badda yare e Edward ka dib markii ciidamada badda Ugandha iyo ciidamada xoogga Congo uu iska horumaad daran ku dhexmaray gobolka.

Muhindo Kyakwa oo la hadlay AFP ayaa yiri “Ma awoodno inaan dib u soo celinno Kalluumeysatada maxaa yeelay ciidamada badda ee Ugandha ayaa xabad ku furaya wax walba oo dhaqaaqa”, waxa uu intaas ku daray in ilaa iyo hadda la weysanyahay 12 ka mid ah kalluumeysta Congo.

Hadalka Mas’uulkan ayaa imaanaya ka dib markii ay horay u sheegtay Congo in 16 ka mid ah Kalluumeysatadeeda ay ku weysantahay badda yare ee Edward.

Waxaa dhintay ama lagu weysanyahay 30 qof ka dib markii iska horumaadkan uu dilaacay dhamaadkii todobaadkii hore.

Goobjoog News