U bood dhigaalka

Xiisad Ka Taagan Galkacyo, Maleeyshiyo Beeleed Hal Meel Ku Dishay 9 Ruux

Sheeko:Amniga

Maleeshiyo beeleed ku sugan magaalada Galkacyo ayaa la sheegayaa iney xalay hal meel oo duleedka magaalada ah ku dileen 9 qof.

Arrintan ayaa la sheegayaa iney tahay aano-qabiil kadib markii saacado ka hor isla magaalada lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabayay Cali Dhiif oo ka tirsanaa nabad sugidda.

Xiisdda ayaa kacsan, waxaana isa soo taraya cambaareynta arrintaasi la xiriira, maamulka koonfur galbeed ayaa cambaareeyey, waxaa kale oo dhankooda iyana cambaareeyey xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah sida Saabir Shuuriye, Mahad Salaad iyo mas’uuliyiin kale.

Faah-faahinta Sida uu u dhacay arrinkan foosha xun, kala soco halka

Goobjoog News