U bood dhigaalka

Xiisad Ka Taagan Magaalada Jowhar iyo 100 Qof oo La Xiray

Sheeko:Amniga

Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey oo ciidamada ammaanka ay ka  ay ka sameeyeen gelinkii  hore ee maanta xaafadda Hanti-wadaad ee magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ciidanku waxaa ay ku soo qabteen ku dhiwaad 100 ruux kuaas oo xabsiga loo taxaabay.

Howlgalka ciidanka ayaa yimid ka dib markii xalay qarax Bam gacmeed lagu weeraray hoyga xaafada Hant Wadaag uu ka daganaa guddoomiye ku-xigeenkii amniga gobalaka Shabeellaha dhaxe Maxamed Sugaal, taas oo keentay inuu geeriyoodo isaga iyo wiilkiisa. Ciidamada oo ka duulaya falkaas ayaa saakay howlgal balaaran ku qaaday xaafadda Hanti Wadaag waxaana ay xabsiga u taxaabeen ku dhawaad 100 qof.

Sidoo kale Shacabka ku nool xaafadda ayaa galinkii danbe bilaabay dibadbax xooggan oo ay ku danbanayeen sii deeynta dadkii ciidamada Booliska ay soo xireen dibad baxayaasha ayaa xiray wadadooyinka xaafada ayagoo gubayay taayaro.

Dhanka kale ciidama ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cabdi Caziiz Foolyareey oo kamid ah Wariyeyaasha magaalada Jowhar,kaas oo tebiyey warka la xiriira banaanbaxyada  iyo dilka guddoomiye kuxigeenka, waxaana caawa xasiloon jawiga magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal kala duwan kuwaas oo dhimasho iyo  dhaawacyaba ay ka soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Goobjoog News