U bood dhigaalka

Xiisad Laga Soo Sheegayo Degmada Buulo-burde Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa guddoomiyahii degmadaasi ee dhowaan xilka laga qaaday iyo ku xigeenkiisii dhanka maaliyadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilka ka qaadday guddoomiyahii Buulo-burde C/casiid Daahir, waxaana xilkaasi si KMG ah loogu magacaabay inuu sii hayo guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda Liibaan Cabdi.

Guddoomiye Cabdi Casiis ayaa sheegay in aanu jirin xil laga qaaday, islamarkaana aanay soo gaarin warqaddii shaqada looga joojiyey, sidaasi darteedna uu shaqadiisa sii wadan doono.

Saakay ayuu ciidamo la tagay xafiiskiisa, wuxuuna bilaabay in shaqooyinkiisa uu si caadi ah u wato, halka guddoomiye ku xigeenka maaliyadda uu isna dhankiisa bilaabay qabashada shaqadii guddoomiyaha, maadaama si KMG ah isaga xilkaasi loogu magacaabay.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la saadaalin karin sida ay wax ku dambeyn doonaan, iyadoo degmada Buulo-burde arrintan aad looga hadalhayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News